Arsene Wenger :- Waxaan Haysanaa Fursad aan kaga adkaan karno kooxda Barcelona

0

Macalinka kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa aaminsan in uu heysto Fursad uu kaga adkaan karo kooxda Barcelona marka ay labada koox kuwada Kulmaan Garoonka Emirates lugta Hore ee Champions League.

Kooxda Gunners oo kamid ah kooxaha yaqaana sida loola ciyaaro naadiga Barcelona ayaa habeen dambe kusoo dhaweyn doonta Garoonkeeda xili kooxda Barcelona ay tahay kooxda difaacanaysa xili ciyaareedkaan koobka Champions League.

Arsene Wenger oo hal kulan ka adkaaday kooxda Barcelona intuu macalin u ahaa kooxda arsenal ayaa habeen dambe kusoo dhaweyn doona kooxda Barcelona Garoonka Magaalada London xili sidoo kale Arsenal ay cabsi weyn ka qabto xidigaha MSN.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here