Gianluigi Buffon :- Waxaan iska diiday kooxaha Arsenal, Manchester United

0

Goolhayaha kooxda Juventus Gianluigi Buffon ayaa sheegay in kooxaha ka ciyaara Horyaalka dalka Ingiriiska ay ku guuldareysteen in ay heshiis la gaaraan.

Gianluigi Buffon ayaa Tilmaamay in kooxaha Arsenal, Manchester United Macalimiintooda Arsene Wenger iyo Sir Alex Ferguson ay xiriiro badan ay lasoo sameeyeen balse uu go’aansaday in uu iska sii joogo dalka Talyaaniga.

Goolhayaha heerka caalami ee xulka dalka talyaaniga Gianluigi Buffon ayaa Tilmaamay in sanadkii 1998 uu macalin Wenger lasoo xiriiray isla markaana uu kala hadlay sidii uu ugu soo dhaqaaqi lahaa dalka Ingiriiska balse uu diiday isaga.

Waxa uu sidoo kale sheegay macalinkii Hore ee kooxda Manchester United Sir Alex Ferguson uu sidoo kale kala hadlay usoo dhaqaaqista kooxda Manchester United markuu joogay kooxda Parma.

Gianluigi Buffon ayaa sanadkii 2001-kii kasoo dhaqaaqay kooxda Parma isagoona Yimid kooxda Juventus uu kula guuleystay kooban badan .

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here