Maamulka Galmudug iyo saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaliyeed ee qeybta 21-aad ee bariga Gobolka Galgaduud ee bartamaha dhulka soomaliya ayaa ku howlan sidii xal buuxda loogu gaari lahaa iska hor imaad dhexmaray ciidamada kawada Tirsan kuwa Malatariga dowlada soomaliya ee Gobolka Galgaduud.
Iska hor imaadka ayaa yimid sida la sheegay kadib markii Ciidamada dowlada soomaliya ee ku sugan duleedka degmada cadaado ee Gobolka Galgaduud ay ku murmeen raashin la sheegay in la geeyay duleedka degmada cadaado halka wararka qaar ay sheegayaan in ciidamda ay ku dagaalameen lacag loo qeybin lahaa.
Dhanka kale Lama ogo qasaaraha rasmiga ee ka dhashay iska hor imaadka dhexmaray ciidamada kawada tirsan kuwa dowlada soomaliya ee bariga Gobolka Galgaduud ee Bartamaha dhulka soomaliya.

