Qaraxyo Qaasaro badan Geestay oo ka Dhacay Magaalada Xomos ee dalka Syria.

0

Wararka ka imaanaya dalka syria ayaa ku waramaya in qaraxyo loo adeegsaday labo gawaari  lagu qarxiyay  magaalada xomos ee dalka Syria.

Ugu yaraan 42 ruux ayaa ku dhimatay labada qarax ee maanta  ka dhacay magaalada xomos ee dalka Syria.

Wakaalada wararka Syria SANA ayaa sheegtay in qaraxaan uu ka dhacay deegaanka al-Arman oo ka tirsan magaalada xomos, waxaana ay intaasi ku dartay in daraasiin ruux ay ku dhaawacmeen qaraxaasi.

Kooxda fadhigoodu tahay dalka ingiriiska ee la socodka xaalada Syria ayaa sheegtay in dhimashada ay ka badan tahay 46 ruux oo 28 ka mid ah ay yihiin dad shicib ah.

Lama xaqiijin in qaraxa uu fuliyey qof isa soo miidaamiyey iyo in qaraxa gaari goobta la dhigay uu qarxay.

Magaalada xomos oo ay dowladu maamusho ayaa bishii hore qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay waxaa ku dhintay 22 ruux.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here