Qaar kamid ah madaxda soomalida ayaa kusii jeeda Magaalada Istanbul ee Turky-ga si ay ugu qeyb galaan shirka maalmaha soo socda Ka Furmi doona Magaaladaas ee loogu hadlaayo aayaha dalka soomaliya.
Raisulwasaaraha soomaliya Cumar C/rashiid cali sharmarke iyo wafdi uu Hogaaminaayo oo saacado kooban lagu xiray Garoonka Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa gaaray Magaalada Istanbul waxayna soo dhaweyn ay kala kulmeen Madaxda dalka Turky-ga.
Madaxweynaha Maamulka Juba-land Axmed Maxamed Islaam axmed Madoobe iyo wafdi uu Hogaaminaayo ayaa maanta ka amba-baxay Garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose iyagoona kusii jeeda Magaalada Istanbul ee dalka Turky-ga.
Dhanka kale Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali gaas oo maalmihii dambe ku sugnaa Magaalada Addis ababa ee dalka Ethopia ayaa la sheegay in uu ka biya diidan yahay tagida Magaalada Istanbul ee dalka turky-ga si uu ugu qeyb galo shirka loogu hadlaayo aayaha dalka soomaliya.

