Munaasabad si heer sare loosoo agaasimay laguna xusaayo maalinta afka soomaliga ee 21 Febaraayo ayaa hadda ka socota xarunta akadeemiyada afka Soomaaliga ee Muqdisho.
Waxaa ka qeyb galaya Munaasabada mas’uuliyiin dowlada soomaliya ka Tirsan sida wasiirka Cadaaladda, wasiirka waxbarashada, saraakiil ciidan, dalladaha waxbarashada, soomaliya ka jira xubno ka socda maamulka gobolka Banaadir.
inta ay socoto Munaasabada ayaa la filayaa In lagu soo bandhigo heeso iyo gabayo ka Turjumaya muhiimada afka Hooyo ee soomaliga iyadoo sidoo ay qudbado ay ka jeedin doonaan madaxda ka qeyb galaysa munaasabada.
21 Febaraayo waa maalin caalami ah oo Jamciyada Qaruumaha ka dhaxeysa ay u aqoonsatay Maalinta Afafka Hooyo 17kii November Sanadii 1999kii, waxaana Maanta Dunida oo dhan looga dabaal dagayaa xuska Maalintaan Caalamiga ah.
