Ciidamada ahlusuna Waljamceeca ee Magaalada Dhuuso Mareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud ayaaa is hor istaag ku sameeyay wafdi balaaran uu Hogaaminayay siyaasiga Axmed C/salaam xaaji aadan oo doonayay in ay Gudaha u galaan Magaalada.
Dhanka kale Saraakiisha ahlusuna waljameeca ee Magaalada dhuuso Mareeb ayaa ku wargaliyay siyaasiga Axmed C/salaam xaaji aadan in aysan heysanin amar ku aadan in uu galo Magaalada Dhuuso Mareeb ee Gobolka Galgaduud oo xiligaan ay ka arimiyaan Maamulka ahlusuna waljameeca.
Lama Ogo waxyaabaha keenay in siyaasiga Axmed C/salaam xaaji aadan loo diidi galida Gudaha Magaalada Dhuuso Mareeb ee Gobolka Galgaduud Iyadoo sidoo kale aysan wax war ah oo kasoo baxay maamulka ahlusuna ee Magaalada dhuuso Mareeb.

