Taliska Nabad Sugida oo Mamnuucay Qaar kamid ah Websityada Afka Soomaliga Lagu qoro

0

Taliska Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka dowlada soomaliya ayaa shaaciyay in la mamnuucay qaar kamid websiteyada afka soomaliga lagu qoro.

War kasoo baxay Taliska Hay’ada Nabad sugida ayaa lagu sheegay in websetyada la mamnuucay ay qeyb ka yihiin burburka dalka soomaliga iyagoona baahiya waaxyaabaha iska hor keena Umada soomaliyeed.

Taliska Nabad sugida waxa uu sidoo kale sheegay in dhawaan si rasmi ah loo xiro doono websetyyadaas oo lagu eedeeyay In ay ka qeyb qaataan burbur dalka soomaliya.

Dhawaan ayay aheyd markii Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Axmed Cali daahir uu sheegay In la mamnuucay qaar kamid ah websityada afka soomaliga lagu qoro.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here