Madaxweynaha jamhuuriyada soomaaliya hasan sheikh maxamuud ayaa axadaan maanta ah qudbad ka jeediyey shirka caalamiga ah ee looga hadlayo amaanka kaaso oo ka socda magaalada Munich ee dalka jarmalka.
Madaxweynaha soomaaliya mudane xasan sheikh maxamuud ayaa qudbadiisa ku sheegay in dowlada soomaaliya ay dagaal adag kula jirto Al-shabaab waxaana uu sheegay in hadii loo baahan yahay ka adkaanshaha Al-shabaab in la helo qarashaad lagula dagaalamo Al-shabaab.
Xasan waxaa kaloo uu sheegay in bulshada soomaaliyeed 70% ay u badan yihiin dhalinyaro maadaama ay da’doodu ka yartahay 35 sano oo badankood dhalin yarada ay dhashteen wixii ka dambeeyey 1991-kii burburkii dalka.
Dhalinyaradaas ayaa madaxweynaha uu sheegay in kuwa badan oo ka midaa ay u nugul yihiin in ay qortaan ururada Al-shabaab iyo Al-qaacida. oo caalamka dagaalka kula jira.
Waxaa uu yiri “ kuwa badan oo u dagaalamo Al-shabaab maaha in ay ugu dagaalamaan fikir ahaan balse sababta ugu weyn waxaa ay tahay in dhaqaale ay ka helaan oo qoysaskooda ay ku maareeyaan”.
Ugu dambeyntii qudbada uu madaxweynaha ka horjeediyey shirka looga hadlayo amaanka ee ka socda jarmalka ayaa uu ku yiri:- Dalka soomaaliya waxaa uu wajahayaa weeraro toos ah oo kaga imaanaya Al-shabaab tan iyo markii magaalada muqdisho laga saaray Al-shabaab sanadkii 2011-kii.

