Dowlada Kenya oo loogu baaqay in ay Mushaar joogto ah u qorto Ehelada Askartii ku dhimatay Weerarkii Ceel-cadde

0

Hogaamiyaal ka tirsan dowlada Kenya ayaa dalbaday in mushaaraad joogta ah loo qoro ehelada ay ciidanka Kenya uga dhinteen deeganka ceel cadde ee gobolka gedo.

Trans Mara waxaa uu ka mid yahay hogaamiyaasha Kenya waxa uu sheegay in dowlada Kenya looga baahan yahay  in aysan mushaaradkii ay siin jirtay ciidankii Kenya ee ku dhintay weerarkaasi ceel cadde aysan mushaarka ka jaran taa badalkeeda la siiyo qoysaskii ay ka dhasheen.

Elias Kirionki waxaa uu la dhashay sargaal lagu dilay weerarkaasi waxaa uu sheegay in ilmihii uu ka dhintay walaalkiisa ay ku nool yihiin daruufo adag maadaama aysan jirin cid sitoos ah u siisa hada mushaar, waxaa uu dowlada ka codsaday in aan la iloobin ehelada askartooda lagu dilay soomaaliya.

Madaxa xiriirka dadweynaha Kenya Leboo Morintat ayaa isagana sheegay in ay ciidankaasi yihiin geesiyaal qaran , kenyana ay kula haan doonaan sharaf iyo maamuus aan dhamad laheyn.

Dowlada waxaan ku dhiira galinayaa in mushaar kordhin loo sameeyo qoysaska ciidan kooda lagu dilay soomaaliya, waxaa ay ahaayeen difaacayaal dhintay iyaga oo gudaha iyo dibada ka difaacayo cadow dalkeena ayuu yiri mar kale.

Kenya waxaa weerarkaasi oo dhacay 15-kii bishii janaayo ee sanadkaan kana dhacay magaalada ceel cadde uga dhintay askar badan oo aan tira ahaan dowlada aysan soo ban dhigin.

Alshabaab oo weerarkaasi qaaday dhankooda waxaa ay sheegteen in ay dileen 100 askari. oo ka Tirsanaa ciidamada Kenya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here