Denjire Michael Keating Oo gaaray Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay

0

Waxaa goor dhaweyd Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay gaaray wafdi uu Hogaaminaayo denjiraha qaramada Midoobe u qaabilsan arrimaha soomaliya Michael Keating.

Wafdiga denjiraha waxaa Magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyay madaxda Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya uu ugu horeeyo madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya Mudane shariif xasan sheikh aadan.

Intaas kadib wafdiga Michael Keating waxaa loo galbiyay xarunta Madaxtooyada dowlada goboleedka Koonfur Galbeed soomaliya waxaa haatan uu halkaas kulamo kula qaadanayaa madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya Mudane shariif xasan sheikh aadan.

Denjiraha qaramada Midoobe u qaabilsan arrimaha soomaliya Michael Keating Ayaa maalmihii dambe ku sugnaa Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal isagoona halkaas kulamo kula soo qaatay madaxda Maamulka puntland.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here