Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo shalay gaaray magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa Maanta Magaaladaas kulamo kula leh Ergooyinka , waxgaradka iyo odoyaasha. Ku sugan Magaalada Jowhar,
Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo ay wehliyaan wasiirka Amniga Gudaha, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyo xubno ka socda Golaha Baarlamaanka ayaa wado qorshe ku aadan sidii loo dardar galin lahaa shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha dhexe uu dhawaan Furey Madaxweynaha Soomaliya Xasan sheikh Maxamuud,
Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa dhawaan Ergooyinka ugu baaqay in ay dardargaliyaan xulista Baarlamaanka uu yeelano Maamulka Hiiraan iyo shabeelaha dhexe,
Dhanka kale Magaalada Jowhar waxaa kusii qulqulaya Madax dowlada soomaliya ka Tirsan iyo siyaasiyiin dooneysa in ay ka qeyb galaan shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha dhexe.

