Ururka Jaamacada Carabta oo Cambaareeyay Weerarkii ka dhacay deeganka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo

0

Ururka jaamacada Carabta ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii dhawaan al-shabaab ay ku qaadeen saldhig ay ciidamada Kenya  ku lahaayeen deeganka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo.

Xoghayaha ururka Jaamacada Carabta Dr. Nabil Al Arabi, oo war qoraal soo saaray ayaa sheegay in ururka Jaamacada Carabta uu si kulul u cambaareynayo weerarka Lagu qaaday ciidamada Kenya isagoo sheegay in Jaamacada carabta ay Taageersan tahay dagaalka Lagula jiro al-shabaab iyo taageerida la siinayo Ururka Midowga Africa,

Waxa uu sheegay Dr. Nabil Al Arabi in ay hoos u dhacday awoodii al-shabaab kaliyah ay kusoo koobmeen weerar gaadmo ah iyo qaraxyo laga Fuliyo meelo kamid ah Gobolada dalka soomaliya ee caasimada Muqdisho,

Dr. Nabil Al Arabi sidoo kale waxa uu  Caafimaad u rajeeyay askarta dowlada Kenya kaga dhaawacmatay weerarkii jimcihii ka dhacay deeganka ceel-cadde ee Gobolka Gedo ee Koonfur dalka soomaliya,

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here