Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan sheikh Maxamuud ayaa maanta la Filayaa in uu gaaro Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay si uu ugu qeyb galo caleema-saarka Gudoomiyaha baarlamanka Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya,
Qaban-qaabada Lagu soo dhaweynayo Madaxweynaha Soomaliya ayaa haatan laga dareemayaa Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay waxaana goor dhaweyd Magaaladaas gaaray Gudoomiyaha baarlamanka soomaliya Pro:- Maxamed shiikh cusmaan Jawaari iyo wafdi uu Hogaaminaayo,
Dhanka kale waxaa Magaalada Baydhabo gaaray Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane C/kariin xuseen Guuleed oo kamid ah madax ka qeyb galaysa caleema-saarka Gudoomiyaha baarlamanka Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya, Cabdiqadir Shariif Sheekuna Maye oo dhawaan ku Guuleystay Xilka Gudoomiyaha baarlamanka Koonfur Galbeed soomaliya,
Amaanka Magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay waxaa Magaalada Lagu arkayaa ciidamo ka Tirsan kuwa dowlada soomaliya kuwa Midowga Africa ee amisom oo ka qeyb qaadanaya sugida amaanka Magalaada Baydhabo,

