Weeraryahanka kooxda Juventus Paulo Dybala, ayaa sheegay in aysan sahlaneen in uu badalo booskiisa uu ka Tagay laacibka reer argentine ee Carlos Tevez oo dhawaan kooxda juvnetus ka dhaqaaqay,
Xidiga heerka caalami ee xulka dalka Argentine Paulo Dybala ayaa wacdaro ka muujiyay xili ciyaareedkii aynu soo dhaafnay kooxda pelermo isagoona markii dambe kusoo biiray kooxda Juventus oo la dhacday qaab ciyaareedkiisa,
Laacibka yar ee heerka caalami ee xulka dalka Argentine oo wareysi gaar ah siiyay Chennelka ESPN. Ayaa sheegay sheegay in ay aad u muhiin aheyd in usoo dhaqaaqo kooxda Juventus laakin uusan hamiga ku heyn badalida xidiga Carlos Tevez

