Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in dhawaan uu bilaaban doono Howlgalka ka dhanka ah al-shabaab oo wali ku sugan qeybo kamid ah Gobolada Jubooyinka iyo Gedo,
Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maanta saxaafada kula Hadlay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada-Hoose kadib markii uu kasoo laabtay Magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ayaa sheegay in dhawaan uu bilaaban doono Howlgalka lagula dagaalamayo al-shabaab,
Madaxweyne Axmed Madoobe ma uusan sheegin goobo cayiman oo ciidamada Maamulka Juba-land iyo kuwa Midowga Africa ee amisom ay weerari doonaan.
Dhanka kale Madaxweynaha Maamulka Jubbaland (Axmed Madoobe) waxa uu ka Hadlay qaabkuu Maamulkiisa ugu diyaar garoobay Shirka Madasha wadatashiga Qaran ee tobanka bishaan ka furmi doona magaalada Kismayo.
Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada-Hoose waxaa la geeyay ciidamo ka socda dowlada Ethopia oo qeybta ka ah Howlgalka amisom waxaa la sheegay in ciidamada ay qeyb ka Yihiin la dagaalanka al-shabaab,

