Maamula Gobolka Banaadir ee dowlada soomaliya ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxii Maanta ka dhacay Maqaayada The Village ee ku taallo guriga hooyooyinka degmada Xamar weyne ee Gobolka Banaadir,
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane oo warbaahinta kula Hadlay afafka Hore ee Maqaayada The Village ayaa ku Tilmaamay weerarkii saakay mid lagu doonayay in lagu laayo wariyaasha soomaaliyeed oo Maalin walba iskugu Yimaada guriga hooyooyinka. Oo kamid ah goobaha inta badan ay ku kala warqaataan wariyaasha Magaalada Muqdisho,
Mudane C/fitaax Cumar Xalane waxa uu sheegay in laamaha amaanka Gobolka Banaadir ay mar walba ka shaqeyn doonaan sugida amniga Gobolka Banaadir isagoona Hadalkiisa ku daray in awoodii al-shabaab ay meesha ka baxday ayna xiligaan isku qarxiyaan goobaha shacabka ay isku Yimaadaan,
Halkaan Hoose ka dhageyso

