Dowlada Sacuudiga oo dishay dad badan oo Shiica ah.

0

Dowlada sacuudiga ayaa maanta oo sabti ah dishay 47 ruux oo ah dadka shiicada ee kunoolaa dalkaasi.

Dowlada sacudiga saraakiil u hadashay ayaa sheegay in dadkaani ay ahaayeen argagixiso Qatar ku ah amaanka dalka sacuudiga. madaama sacuudiga uu  hogaamiyo isbahaysiga dagaalka kula jira kooxda xuutiyiinta ee ka dagaalanta wadanka yemen .

Dhanka kale Dadka ay dowlada Sacuudiga Maanta  dishay waxaa ku jira wadaad caan ahaa oo lagu magacaabo Sheikh Nimr’

Shiicada yar iyo suniyiinta tirada badan ee dalka kuwada nool ayaa mudooyinkii dambe uu ka dhex jiray qilaaf xoogan iyadoo dhoor jeer weeraro qaraxyo ah lagu qaaday dhoor maasijid oo dalka sacuudiga ku yaala.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here