Ciidamada Ethopia oo la Geeyay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose

0

Ciidamo ka Tirsan kuwa Ethopia oo qeybta ka ah Howlgalka Midowga Africa ee Amisom  ayaa la geeyay Magaalada Kismaayo  ee Xarunta Gobolka Jubada-Hoose.

Ciidamada Itoobiyaanka  ayaa fariisimo ka samaystay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo, dekadda iyo waqooyiga magaalada oo markii hore saldhigyo ciidan ku lahaayeen ciidamada Kenya iyo kuwa Wadanka Siralyoon,

Ma’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Juba-land oo warbaahinta la Hadlay ayaa sheegay in  Ciidamada Ethopiyanka ay gaarayaan ilaa 250 askari oo hordhac  u ah ciidamo ka socda dalka Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM .

Ciidamadii Siraliyoon ayaa Soomaaliya isaga baxay bishii Janaayo ee sanadkii 2015 sababo la xidhiidhay xaalad dhanka caafimaadka ah oo xiligaasi ka jirtay dalkaasi oo ka mid ahaa waddamada Galbeedka Afrika ee uu ka jiray cudurka Ebola,

Dhanka  kale Ciidamada Ethopia ayaa la sheegay in ay qeyb ka Noqon doonaan Howlgalka ka dhan ah Xarakada Al-shabaab oo maamusha , degmooyinka, Jilib, Jamaame, Xagar, Bu’aale iyo deegaano kale  ee hoos Yimaada Gobolada Jubooyinka,

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here