Dhageyso:- Maamulka Gobolka Banaadir oo Faah-faahin ka bixiyay Weerar Xalay Lagu qaaday Saldhiga degmada Heliwaa

0

Maamulka Gobolka Banaadir ee dowlada Soomaliya ayaa Faah-faahin ka bixiyay weerar xalay Lagu soo qaaday saldhiga degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir,

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane oo Warbaahinta kula Hadlay saldhiga degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Rag ka Tirsan al-shabaab ay xalay isku dayeen in ay weerar qorsheysan ay kusoo qaadaan saldhiga hase ahaateen ay ciidamada booliska saldhiga degmada heliwaa ay  arintaas ka hortageen,

Mudane C/fitaax Cumar Xalane Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir   waxa uu sheegay in 3-askari oo ka Tirsanaa al-shabaab oo weerarka qeyb ka ahaa  in lagu dilay goobta isagoona sheeegay in kuwa kale  ay ka baxsadeen goobta,

Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir. Jen Cali Xirsi Barre (Cali Gaab), oo dhankiisa goobta kula Hadlay saxaafada ayaa amaan usoo jeediyay ciidamada booliska saldhiga degmada heliwaa kadib marki ay iska difaaceen weerarkas lagu soo qaaday,

Halkaan Hoose ka dhageyso

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here