Dhageyso:- Ibraahim Xabeeb Nuur oo sheegay in Gobolka Hiiraan laga galay Xaqdaro badan

0

Musharax Ibraahim xabeeb nuur  oo ah musharaxa u Taagan qabashada xilka Madaxweynaha Gobolada Hiiraan iyo shabeelaha dhexe ayaa sheegay in Gobolka Hiiraan ee bartamaha dhulka Soomaliya laga galay xaqdaro badan islamakaan ay cadaalad daro ku sameyeen dowladihii soo maray dalka iyo tan hada kataliso.

Dhanka kale Mudane Ibraahim xabeeb nuur   oo ka Hadlay xaflad lagu soo dhaweeyay oo Lagu qabtay Magaalada Beledweyne  ee Gobolka Hiiraan ayaa ka sheegay in uu diyaar u Yahay hadii uu ku guuleysto qabashada xilka Madaxweynaha Hiiraan iyo shabeelaha Dhexe oo ka shaqeeyo cadaalada iyo Hormarka,

Ibraahim xabeeb nuur   oo Horey usoo Noqday xildhibaan ka Tirsan Baarlamanka Soomaliya oo haatan ah Musharaxa u Taagan xilka Madaxweynaha Hiiraan iyo shabeelaha Dhexe ayaa Rajeynaya in uu Noqdo Madaxweynaha Hiiraan iyo shabeelaha Dhexe,

 

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here