Maamulka Puntland ayaa Maanta Maxkamad soo Taagaya Labo Nin oo lagu eedeeyay in ay si sharci daro ah kaga kuluumaysanayay xeebaha deeganada Maamulka Puntland.
Maxkamada darajada koowaad ee gobolka Nugaal ayaa maanta lasoo taagayaa Mohli Batiwawa oo ah 46-sano Jir u dhashay dalka Indonesia iyo Eng. Casiis Hermans oo ah 56-jir u dhashay dalka Indonesia, kuwaas oo lagu eedeeyay inay si sharci daro ah uga kalluumaysanayeen xeebaha deeganada Maamulka Puntland.
Mohli Batiwawa iyo Eng. Casiis Hermans ayaa kamid ahaa 14 shaqaale oo lagasoo badbaadiyay dooni kalluumaysi oo bishii August e sanadkaan 2015-ka ku degtay xeebta deegaanka Gaalo-Ood ee katirsan degmada Eyl ee gobolka Nugaal. Waxaana xiligaan soo badbaadiyay ciidamada ilaalada badda ee Maamulka Puntland,
inkastoo lasii daayay 12-shaqaalo oo doonida la socda ayaa Maamulka Puntland waxa ay labadaan shaqsi ku eedeeyeen in ay ka dambeeyeen in xeebaha deeganada Maamulka Puntland si sharci daro ah loogu kaluumaysto.

