Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo Maanta shir jaraaid xafiiskiisa ugu qabtay wariyaasha ayaa ka Hadlay ansixintii ay xildhibaanada baarlamanka Soomaliya ay ansixiyeen sharciga saxaafada.
Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Wasiirka Warfaafinta xukuumadda soomaliya ayaa ugu Mahadceliyay Xildhibaanada Baarlamanka Soomaliya qaabkey u ansixiyeen sharciga saxaafada oo mudooyinkii ugu dambeeyay Horyaalay mudanayaasha baarlamanka soomaliya,
Dhanka kale Wasiir Maareeye ayaa Tilmaamay in Sharcigaan cusub ee Saxaafadda uu fursad siindoono wariyayaasha Soomaaliyeed isla markaana uu sahli doono in si fudud ay Awood Ballaaran ugu yeeshaan qabsashada shaqadooda saxaafada.
Todobaadkaan Gudihiisa ayay aheyd markii Mudanaayasha Baarlamanka Soomaliya ay meel mariyeen sharciga saxaafada Soomaliya wallow qaar kamid ah wariyaasha Magaalada Muqdisho ay ka cabanayaan qaar kamid ah Qodobada ku jira sharciga saxaafada,






