Vincent Kompany oo la Xaqiijiyay inta uu garoomada ka Maqnaan doono

0

Macalinka kooxda Manchester City Manuel Pellegrin ayaa saxaafada u sheegay in ay kooxdiisa waayi doonto adeega kaptanka kooxda ee Vincent Kompany isagoona garoomada ka maqnaan doona mudo 3-ilaa 4-todobaad,

Kaptanka heerka caalami ee xulka dalka Belgium-ka ayaa dhawaan kasoo laabtay dhaawac laakin 10-daqiiqo uu ciyaaray ayaa usuurta galin weysay in uu sii wato ciyaartii kulankii ay todobaadkaan ka adkaadeen kooxda Sunderland,

‘ ma ahi doctor laakin dhaawac dhanka Muruqa waa mid aad u helis badan ayuu saxaafada u sheegay kadib kulankii ay xalay barbaro ah ay galeen kooxdiisa,

Vincent Kompany oo ah kaptanka kooxda Manchester City ayaa xili ciyareedkaan ka maqnaa garoomada 10-kulan waana mid dhabar jab ku ah kooxda Sky Blue

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here