Ciidamo Ka Tirsan Al-Shabaab oo Afduubtay Qaar kamid ah Shaqaalaha Isbitaalka Dhuusamareeb

0

Wararka haatan Naga soo gaaraya Magaalada dhuuso Mareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa Tilmaamaya in ciidamo ka Tirsan al-shabaab ay af-duubteen gaari ambulance ah oo ay la socdeen shaqaalaha isbitaalka  Guud ee Magaalada dhuuso Mareeb ee Gobolka Galgaduud ee bartaha dhulka soomaliya,

Wariyaha Radio Simba ee Magaalada dhuuso Mareeb Shuceyb Maxamed Cali ayaa kusoo waramaya in gaariga ay af-duubteen ciidamada al-shabaab uu u socday dad xanuunsan oo la doonayay in la geeyo isbitaalka  Guud ee magaalada dhuuso Mareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud,

Wali wax war kama soo bixin dhanka al-shabaab iyo Maamulka ahlusuna waljameeca ee ka arimiya Magaalada dhuuuso Mareeb ee Gobolka Galgaduud.

Wixii kusoo kordha kala soco simbanews.com

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here