
Kadib dagaal xalay ciidamada ciraaq iyo kooxda daacish ku dhexmaray magaalada Ramadi ee gobolka anbar ee dalka Iraq ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen ugu yaraan 21 ruux dagaalkaas. Oo u badan kooxihii dagaalamay
Ciidanka dowlada dalka Iraq ayaa la sheegayaa in ay gacanta ku dhigeen qeybo badan oo magaalada ramadi oo mudooyinkii dambe ay ku sugnaayeen ciidamada dowlada Islaamiga ee daacish sida lagu baahiyay Tv-ga dowlada Iraq.
Waxaa kaloo lagu soo waramayaa in dagaalku uu saameeyey xalay magaalada Fallujah ee koonfurta dalka ciraaq halkaas ay ku Nool yihiin dadkii ka barakacay dagaalkii Magaalada Ramadi ee Gobolka anbar ee dalka Iraq,
Ciidamada dowlada Iraq ayaa Mudooyinkii dambe waday Howlgalo ay kula dagalameen kooxda Daacish oo ku sugan qeybo kamid ah Gobolada dalka Iraq,
