Dowlada Kenya ayaa sheegtay in Rag ka tirsan al-shabaab oo tira ahaan gaarayey 5 qof ay miino ku aasayeen wadada dhinaceeda magaalada Mandheere ee Gobolka woqooyi dalka Kenya.
Suleymaan rashiid oo ka tirsan saraakiisha sar sare ee magaalada mandera ayaa sheegay in mid ka mida ahaa ragii miinada aasayey ay ciidanku gacanta ku soo dhigdeen isaga oo dhaawac ah halka mid kalane ay ciidanka toogteen.
Suleymaan waxaa kaloo uu intaasi ku daray in 3 kale oo ragaasi miinada kula aasayey magaalada mandera ay baxsadeen ka hor inta aysan ciidanku is rasaaseen dhex marin.
Ninka dhaawaca ah ee Alshabaab ka tirsan ayaa loo qaaday dhanka magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya si baaritaano dheeri ah loogu soo sameeyo ayuu yiri mar kale suleymaan rashiid oo saraakiisha mandera ka tirsan.
Alshabaab ayaan ilaa iyo hada dhankooda ka hadlin hadalka kenya kasoo yeeray ee ah in ay gacanta ku dhigtay nin ka tirsan alshabaab halka mid kalane ay dishay xili ay miino ku aasayeen magaalada mandera ee gobolka waqooyi bari dalka Kenya

