Kooxaha Chelsea iyo Tottenham ee dalka Ingiriisa ayaa ku dagaalamaya soo xiro galinta laacibka weerarka kaga ciyaara kooxda Atletico Madrid ee Jackson Martinez,
Xidiga heerka caalami ee xulka dalka Colombia ayaa xili ciyaareedkaan ku guuldareystay in uu la qabsado Nolosha kooxda Magaalada Madrid ka dhisan ee Atletico Madrid isagoona u dhaliyay 3-gool 15-kulan uu kasoo Muuqday,
Dhanka kale 29-jirkaan ayaa xili ciyaareedkaan loo ogalaan doonaa in uu ka dhaqaaqo kooxda isagoona si amaah ah ugu biiraya kooxo kale waxaana haatan ku dagaalamaya kooxaha Chelsea iyo Spurs

