Ninkii ugu celeyska badnaa dalka Mexico ee Latin America ayaa ku geeriyooday Gudaha dalkaas xili dalkaas loogu dabaal-dagaayay Maalinta Christmas Day-ka oo dadka aan muslimka aheyn ay u dabaaldagaan xiligaan oo kale,
Andres Moreno, ayaa culeyskiisa Lagu qiyaasay 980lbs wuxuuna geeriyooday subaxnimadii Hore ee maalintii shalay aheyd xili dalka Mexico loogu dabaaldagaayay Christmas Day wuxuuna ku geeriyooday isbitaalka ku yaala Ciudad Obregón ee Magaalada Sonora ee dalka Mexico,
Dhaqaatirta dalka Mexico ayaa sheegtay in Andres Moreno uu kusoo kacay cudurkii ka hayay dhanka wadnaha iyadoona loola cararay isbitaalka laakin dhaqaatirta ayaa sheegtay in ugu dambeyn lagu guuleysan waayay in la badbaadiyo, Mr Andres Moreno





