Macalinka kooxda Southampton Ronald Koeman ayaa cadeeyay in ay kooxdiisa u qalmatay in ay goolal badan ka dhaliso kooxda arsenal xili ay guul ku gareen gurigooda,
Kooxda Southampton ayaa arsenal kaga adkaatay goolal gaaraya 4:0 kadib goolal ay ka heshay xidigaha Shane Long’ oo labo gool dhaliyay iyo xidigaha Cuco Martina iyo Jose Fonte oo mid hal gool dhaliyay,
Isagoo la Hadlay Saxaafada kadib ciyaarta ayuu sheegay xidigii Hore ee kooxda Barcelona macalin Ronald Koeman in ay kooxdiisa laheyd awood ku aadan in ay goolal badan kaga dhaliso kooxda arsenal xili 5-tii kulan ay soo ciyaartay ay badin weysay.

