Gudoomiyaha degmada Kaxda ee Maamulka dowlada Soomaliya Mudane C/kaamil Macalin Shukri ayaa beeniyay wararka sheegaya in xil ka qaadis lagu sameeyay.
C/kaamil Macalin Shukri. Oo la Hadlay idaacada simba ayaa sheegay in aysan jirin xil ka qaadis lagu sameeyay isagoona wararka sheegaya xil ka qaadista ku Tilmaamay kuwa ay qoreen dad isaga kasoo horjeeda,
Dhanka kale waxa uu sheegay Gudoomiyaha degmada Kaxda ee Maamulka dowlada Soomaliya C/kaamil Macalin Shukri in uusan arkin warqad kasoo baxday wasaarada arrimaha Gudaha xukuumadda soomaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo cadeenaysa in asaga xilka gudoomiyaha degmada Kaxda Laga qaaday.
Warar shalay soo baxay ayaa Tilmaamayay in xil ka qaadis Lagu sameeyay Gudoomiyaha degmada Kaxda ee Maamulka dowlada Soomaliya C/kaamil Macalin Shukri.

