Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed oo Maanta Xilka  la Wareegaya

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya in Gudaha Magaaladaas Haatan laga dareemayo qaban-qaabada uu xilka kula weeragayo Gudoomiyaha Cusub ee Yuusuf Axmed Xagar (Yuusuf Dabageed) oo dhawaan loo magcaabay Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan.

Xaflada uu xilka kla wareegayo Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Xagar (Yuusuf Dabageed) waxaa kasoo qeyb galaya saraakiil ka Tirsan ciidamada dowlada jabuuti iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Gobolka Hiiraan.

Dhanka kale Guddoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka iyo Siyaasada Gobolka Hiiraan ayaa la filayaa xilka inuu ku wareejiyo Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan, maadaama Guddoomiyihii hore C/fataax Xasan Afrax uusan joogin Baledweyne.

Dhawaan ayay aheyd markii Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan sheikh Maxamuud uu wareegto ku magacaabay Gudoomiyaha gobolka Hiiraan kadib markii xilka Gudoomiyaha Gobolkaas laga qaaday C/fitaax xasan afrax.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here