Hogaamiyahii jamhada islaamiga ee mucaaradka dalka Syria kaasi oo lagu magacaabi jiray Zahran Alloush ayaa lagu dilay duqeyn laga fuliyey magaalada dimishiq ee xarunta suuriya.
Zahran Alloush ayaa ahaa Taliyihii ugu fiicnaa ee hogaamiye u soo noqday kooxda islaamka ah ee mucaaradka dalka syria ka dagaalanta.
Dhanka kale Degmada Eastern Ghouta oo hoostakta magaalada dimishiq ee suuriya ayaa hogaamiyaha lagu dilay sida lagu baahiyay warbaahinta dalalka syria.
Dowlada suuriya Afhayeen u hadlay ayaa sheegay in duqeynta ay fuliyeen diyaaradaha dowlada syria ayna ku dileen hogaamiyihii kooxda mucaaradka hubeysan ee Syria.
Warar kale oo warbaahinta haleyso ayaa sheegaya in hogaamiyaha ay duqeeyeen diyaaradaha Russia.
Source: Al-Jazeera

