Madaxweynaha Soomaliya oo ku Wajahan Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan

0

Wafdi uu Hogaaminaayo  Madaxweynaha soomaliya Mudane Xasan sheikh Maxamuud ayaa Maanta ku wajahan Magaalada beledweyne ee Gobolka Hiiraan

Nabadoon Dacar oo ah Gudoomiyaha Odoyaasha dhaqanka Magaalada beledweyne oo la Hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Magaalada Beledweyne ay haatan ka socoto qaban-qaabada  soo dhaweynta Madaxweynaha soomaliya Mudane Xasan sheikh Maxamuud.

Waxa uu Hadalkiisa ku daray in siyaasiyiinta iyo odayaasha Magaalada Beledweyne ay si weyn kaga soo horjeedaan Go’aankii uu qaatay Madaxweynaha soomaliya ee ku aadan in shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha dhexe Lagu qabto Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha dhexe.

Nabadoon Dacar waxa uu Tilmaamay in Madaxweynaha soomaliya ay kala Hadli doonaan Go’aankii uu qaatay ee ahaa in shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha dhexe Lagu qabto Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha dhexe.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here