Maamulka jubba-land oo ka soo Horjeestay in ilaalo uu Barre Hiiraale la Tago Magaalada kismaayo

0

Maamulka Juba-land ayaa kasoo Horjeystay in ciidamo ilaalo ah uu la Tago Magaalada Kismaayo Barre aadan shire Bare Hiiraale oo lagu wado  in Maalmaha soo socda uu gaaro Magaalada Kismaayo ee Gobolka Juba-da Hoose,

Wararka aynu ka halayno Magaalada Kismaayo  ee Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in Wasiirka amniga Maamulka Juba-land  Maxamed Warsame Faarax (Darwiish) uu kasoo horjeystay in ciidamo ilaalo ah uu la Tago Magaalada Kismaayo Barre Adan Shire Hiiraale,

Dhanka kale Barre Adan Shire Hiiraale ayaa dhawaan magaalada Muqdisho kula Kulmay Madaxweynaha Maamulka Juba-land axmed Maxamed Islaam axmed Madoobe iyagoona kawada Hadlay sidii loo qancin lahaa siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolada Jubooyinka aan ku qanacsaneen Hanaanka Maamulka Juba-land,

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here