Dibadbax  Maanta la Filayo in uu ka dhaco Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha dhexe

0

Dibadbax balaaraan  ayaa Maanta la filayaaa in uu ka dhaco Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha dhexe  kasoo lagu soo dhaweynayo in shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha dhexe lagu qabto Magaalada Jowhar.

Mid kamid ah wariyaasha Magaalada Jowhar oo la Hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Magaalada jowhar saakay laga dareemayo qaban-qaabada dibadbax balaaran ay dhigayaan dadka Magaalada jowhar, kuwasoo ku qanacsan go’aankii Madaxweynaha soomaliya ee ahaa in shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha dhexe Lagu qabto Magaalada Jowhar.

Dhanka kale Dibadbaxa ayaa la filayaa in ay kasoo qeyb galaan Maamulka Magaalada jowhar ee Gobolka Shabeelaha dhexe kuwasoo dhankooda la Hadli doono shacabka Magaalada Jowhar,

madaxweynaha Soomaliya ayaa  ku sheegay war qoaaal ah uu soo saaray in shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha dhexe Lagu qaban doono Magaalada Jowhar.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here