Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka arimaha Gudaha xukuumada soomaliya Mudane C/raxmaan Maxamed xuseen Odawaa ayaa haatan ku wajahan Magaalada beledweyne ee Gobolka Hiiraan.
Wararka Magaalada Beledweyne ka imaanaya ayaa ku waramaya in Magaaladaas ay ka socoto qaban-qaabada soo dhaweynta wasiirka arimaha Gudaha xukuumada soomaliya Mudane C/raxmaan Maxamed xuseen Odawaa.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in wasiirka arimaha Gudaha uu Magaalada Beledweyne u Tagaya sidii loo si dhameystiri lahaa heshiis shalay Lagu gaaray gudaha Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan kasoo dhigayay in Gudaha Magaaladaas uusan mar kale ka dhici Karin dagaal u dhaxeeya meeleeshiyo beeleedka wadaga Magaaladaas,
Shalay ayay aheyd markii Magaalada beledweyne ay heshiis kuwada gaareen odoyaal kala matala maleeshiyo beeleed maalmihii dambe ku dagaalamayay Galbeedka Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.
Heshiis ka kooban lix Qodob ayaa la kala dhex dhigay Dhinacyadii ku dagaalamay Magaalada Baledweyne ee Gobolka Hiiraan, waxaana goobta heshiiska uu ka dhacay ku sugnaa odoyaasha labada Dhinac.



