C/raxmaan Tuur yare: Dhalinyarada Gudaha dalka isku Qarxisa Waa kuwa ka Yimaada dalka dibadiisa

0

Taliyaha Hay’ada Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka Somaliya C/raxmaan Tuur yare ayaa sheegay in Dhalinyarada Isku Qarxisa gudaha Somaliya in intooda badan ay yihiin kuwa ka yimidaa dalka dibadiisa.

Taliye C/raxmaan Tuur yare oo Hadal kooban ka jeediyay Shirka Qaran ee Dhalinyarada Somaliyed uu  shalay daah Furey Raisulwasaaraha soomaliya Cumar C/rashiid Cali sharmarke ayaa sheegay in baaritaano la sameeyay kadib la ogaaday in dhalinyarada ka imaada dalka dibadiisa ay yihiin kuwa isku qarxiya xarumaha dowlada soomaliya iyo goobaha dadka Rayid ay iskugu yimaadaan,

Taliyaha Hay’ada Nabad Suggida iyo sirdoonka qaranka Somaliya C/raxmaan Tuur yare waxa uu ugu baaqay dhalinyada soomaliyeed ee ku sugan dalka dibadiisa in aysan aqbalin Fikradaha qaldan ay u soo Gudbiyaan al-shabaab waa siduu Hadalka u dhigee.

Hadalka Taliyaha Hay’ada Nabad Suggida iyo sirdoonka qaranka Somaliya C/raxmaan Tuur yare ayaa imaanaya xili shalay Magaalada Muqdisho uu ka  Furmay shir loogu Magac daray Shirka Qaran ee Dhalinyarada Somaliyed.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here