Ciidamada sirdoonka dalka turkiga ayaa ka digay in Al-shabaab ay weeraro ku qaadaan dalka turkiga. Sirdoonka dalka turkiga waxaa kaloo ay xuseen in ay ka warqabaan weeraro qorsheesan oo Al-shabaab ay damac san yihiin inay ka geestaan qeybo ka tirsan dalka turkiga.
Turkiga waxaa kaloo ay xuseen in weeraro horay oo muqdisho loogu geestay muwaadiniin turkiyiin ah ay Al-shabaab masuuliyadooda sheegteen. warbixinta feejignaanta ah ee turkiga ay soosaareen waxaa kaloo lagu yiri in 81 gobol oo turkiga dhanca ay warbixinta la gaarsiiyey si ay uga hortagaan weeraro ay Alshhabaab dalkaasi ka geestaan.
Sirdoonka booliska turkiga waxaa garabka Al-shabaab ka tirsan ee weerarada damacsan in turkiga ay ka geestaan ay magacooda ku sheegeen Bihaari. Digniinta turkiga ay soosaareen waxaa kaloo lagu yiri waxaan ogsoonahay wareysigii afhayeenka Al-shabaab sheikh cali dheere uu siiyey tv-ga Aljazeera sanadkii hore kaasi oo ahaa in turkiga guud ahaan ay iskaga baxaan dalka soomaaliya hadii kale ay u muwaadiniinta turkiga beegsan dooaan ee jooga soomaaliya.
Waxaa kaloo wareysiga cali dheere lagu yiri in turkiga uu ka mid yahay ururka NATO oo ah cadawga ugu weyn muslim iinta dunida.
Dowlada turkiga waxaa ay ka mid yihiin dalalka soomaaliya u fidiyey taageerada xoogan walina dowlada soomaaliya cilaaqaad wanaagsan la leh Lama oga waxa keenay digniinta turkiga ee ku aa

