C/Samad Macalin Maxamuud oo dhaliilay qodobada kasoo baxay shirkii Muqudisho ka dhacay.

0

C/Samad Macalin Maxamuud oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya horay Xilal ugasoo qabtay Dowladihii dalka Soomaray oo Warbaahinta Kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa dhaliilay qodobadii 7-da gaarayey ee lagasoo saaray Shirka Wadatashiga ee lagusoo gabgabeeyey Magaalada Muqdisho.
Waxaa uu sheegay in qodobada Shirka lagasoo saaray aan lagu gaarin rabitaan iyo dan laga leeyahay Masiirka Siyaasadeed ee dalka balse laga cararayey oo kaliya in ay dhacdo in la yiraahdo shirka Waa lagu kala kacay.
Qodobada Kasoo baxay shirka ayuu sheegay in aysan ahayn kuwa ku yimid rabitaanka Shacabka Soomaaliyeed iyo waliba Madaxda Soomaalida ee Shgirka wada yeeshay balse go’aanka iyo qodobada lasoo saaray kadib markii beesha Caalamku ay ku cadaadisay Madaxda Soomaalida in aan shirka look ala kicin oo wax un dadka loo sheego lagasoo saaro siduu hadalka u yiri C/samad Macalin Maxamuud.
Magaalada Muqdisho Muddo isbuuc ah ayaa waxaa ka socday Shir ay yeesheen Madaxda Soomaalida islamarkaana looga hadlaayey nuuca doorasho ee Sannadda 2016-ka lagu qabanaayo dalka Soomaaliya iyo qaabka loo wajahaayo,Waxaana sida muuqata Shirka qodobo lagasoo saaray iyadoo aysan qanacsaneyn qaar ka mida hogaamiyayaashii shirka ka qaybgalay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here