Maxkamada sare ee dalka mareykanka ayaa amar buuxa ku bixisay in xabsiga lagu sii hayo khaalid cabdi qaadir oo horay ugu hanjabay hay-ada dambi barista dalka mareykanka.
Khaalid aadan cabdulqaadir ayaa isbuucii horay ay ha-ada FBI-da Dalka Mereykanka dhigtay xabsigtay kadib markii internetka uu kusoo qoray qoraal hay,adaasi loogu hanjabayey.
Khaalid ayaa heysta dhalashada dalka Mereykanka waxaana uu ku barbaaray dalkaasi. Khaalid Adaam cabdulqaadir, oo 19-jir ah ayaa kahor inta aan lasoo qaban hanjabaad kusoo qoraym barta Twitter-ka kadib markii ciidamada FBI-da ay xireen wiil saaxibkiisa ahaa oo lagu magacaabi jirey Abdirizak Mohamed Warsame, oo 20-jir ahaa.
Dhanka kale Ciidamada FBI-da Dalka Mereykanka ayaa sidoo kale sheegay in Khaalid Adaam Abdulkadir uu doonayay in uu la safro saaxibkiisa Abdirizak Mohamed Warsame oo doonayay in uu gaaro dalka Syria si uu ugu biiro kooxda daacish oo ciraaq iyo Syria ka dagaalanta xiligaan,

