Al-shabab oo weerartay askar Kenyaaan ah.

0

Dagaal yahano la aamin sanyahay in ay Al-shabaab ka tirsan yihiin ayaa subaxnimadii hore ee saaka weerar ku qaaday kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen askar ka tirsan ciidanka Kenya.

Israsaaseen xoogan ayaa dagaal yahanada ay la galeen ciidamada Kenya . Waxaa uu iska hor imaadka uu ka dhacay deegaanka hindi oo ka tirsan magaalada lamu ee gobolka imbakatooni.

Wararka qaar ayaa ku waramaya in gawaarida la weeraray ay ahaayeen kuwa shixnado daawo u waday ciidamada Kenya ee jooga magaalada lamu. Taliyaha la dagaalanka argagaxisada kirasbas mutaali ayaa warbahinta standard ee Kenya qadka taleefanka ugu sheegay in laba askari oo ciidanka Kenya ka tirsanaa ay weerarkaasi uga geeriyoodeen waxaana sidoo kale uu sheegay in saraakiil kalana uu dhaawac soo gaaray.

Taliyaha waxaa kaloo uu xusay in weerarka ay ku tuhmayaan Alshabaabka soomaaliya ka dagaalamo. Kolonyada gawaari oo ay ciidanka la socdeen ayaa ka yimid deegaanka hindi ka hor inta aysan la kulmin weerarka ay askarta kaga dhimatay. Ugu dambeen Al-shabab ayaa sheegtay inay ka dambeeyeen weerarkaasi waxaana madaxa how galada Al-shabab abuu muscab uu warbaahinta ku hadasha afka Al-shabab ee Andulus uu u sheegay in ay askar weerarkaasi Kenya kaga dileen sidoo kalane dhawr gawaari ay ka gubeen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here