Wararka aynu ka helayno degmada Warta-nabada gaar ahaan Xaafada Geed-jaceel ayaa sheegaya in ciidamo ka Tirsan kuwa dowlada soomaliya ay xafadaas ku dhaawaceen askari ka Tirsan kuwa “Minashiibiyada” oo xiligaas ku Howlanaa qaadista Canshuurta Degmooyinka Gobolka Banaadir,
Askari la dhaawacay ayaa ka Madax adeegay in uu dhigo Qori uu watay oo ay ciidamada ka Tirsan kuwa dowlada soomaliya ay ku amreen in uu dhigo taasi ayaa keentay in ciidamada ka Tirsan kuwa dowlada soomaliya ay Xabad ku dhuftaan askariga ka Tirsan kuwa “Minashiibiyada”.
Dhanka kale Xabad ay isweedaarsadeen ciidamada ka Tirsan kuwa dowlada soomaliya iyo askari ka Tirsanaa kuwa “Minashiibiyada” ayaa keentay dhaawac soo gaaray imaanka Masjidka Akram ee ku Yaala degmada Warta Nabada gaar ahaan xaafada Geed-jaceel.

