Madaxweynaha jamuuriyada soomaaliya xasan sheikh maxamuud ayaa siweyn loogu soo dhaweeyey magaalada dubai ee xarunta dalka iskutaga imaaratka carabta waxaana madaxweynaha uu kula kulmay howlka soodhaweynta madaxda , madaxweyne kuxigeenka ahna reisul wasaaraha dalkaasi Mohammed bin Rashid Al Maktoum, duqa magaalada Abu Dhabi Highness Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan iyo Taliye kuxigeenka ciidanka dalkaasi.
Madaxweyne xasan sheikh maxamuud ayaa dalkaasi u gaaray arrimo badan inkastoo madaxweynaha booqashadiisa aan horay looshaacin.
Madaxweyne xasan sheikh ayaa lagu wadaa dhanka kale in magaaladaasi uu kula kulmo kulaqaato madax kala duwan oo iyagana ka qeyb galaya shirar gaargar ah oo dalka imaaratka ka dhacaya.
Madaxweynaha dalka sudan cumar xasan Al-bashiir , madaxweynaha dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn , madaxweynaha gobolka kurdiyiinta dalka ciraaq Masoud Barzani iyo madax kale ayaa iyagana kusugan magaalada dubai kuwaasi oo uu madaxweynaha soomaaliya uu kulamo la qaadan doono .
Kasakoow ka hadalka xiriirka soomaaliya iyo imaaratka ayaa madaxweyne xasan sheikh maxamuud waxaa uu ka qeyb gali doonaa ciyaarta kama dambeesta ee looyaqaan formula1 taasi oo lagu qabanaayo garoonka Yas Marina ee caasimada kuyaal.

