Qaramada Midoobe oo Dowlada Kenya ugu Deeqday lacago lagula Dagaalamayo Alshabaab.

0

Golaha Amaanka ee qaramada midoobe ayaa dowlada Kenya ugu deeqday lacag dhan 2.3bilyan oo lacagta Kenya ah una dhiganta 22 milyan oo doolarka marekanka ah.

Lacagaha ayaa loogu deeqay ciidanka militriga dalkaasi ee qeybta ka ah howlgalka Amisom ee soomaaliya.

Afhayeen u hadlay qaramada midoobe ayaa sheegay in lacagaha ciidanka Kenya ay ugu deeqeen loogu talagalay la dagaalanka xarakada Alshabab.

Qaramada midoobe ayaa sanadkii 2014-kii u balan qaaday dowlada Kenya  lacagaha lasiiyey ciidanka Kenya.

Ciidamada Kenya ayaa dagaal kula jira xarakada Alshabab, tan iyo markii ay kamid noqdeen howlgalka Amisom ee dalka soomaaliya kasocda.

Ciidan gaaraya 4660 askari ayaa dowlada Kenya kajooga dalka soomaaliya kuwaasi oo kamid ah howlgalka Amisom ee soomaaliya.

Dowlada kenya ayaa qeyb ka ah Howlgalka nabad ilaalinta ee Amisom kuwaasi oo qeyb ay kayihiin dowladaha Uganda, Burundi ,  Ethiopia iyo dalka jabuuti  waxaana maalgaliya dowladaha midowga yurub iyo qaramada midoobe kuwaasi oo bixiya mushaaradka ciidamadasi oo gaaraya 22000 oo askari

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here