Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumada Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini ayaa ku baaqay in deg deg ah loo joojiyo dagaalada wali ka socda Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug,
Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumada Soomaaliya ayaa ku Tilmaamay dagaalada Wali ka Socda Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug mid ay aad kaga xun Yihiin hadii ay Yihiin Wasaarada Gaashaandhigga Xukuumada Soomaaliya,
Dhanka kale Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumada Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini ayaa beeniyay wararka sheegaya In ciidamada xoogga dowlada soomaliyeed ay qeyb Yihiin dagaalada ka socda Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug isagoona sheegay in aysan jirin ciidamo ka Tirsan kuwa dowlada soomaliya oo ka qeyb qaatay dagaalka ka dhacay Magaalada Gaakacyo,
Hadalka wasiirka Gaashaandhigga Xukuumada Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini ayaa imaanaya xili Maamulka Puntland uu ku eedeeyay dowlada soomaliya in ciidankeeda ay garab Malatari ay siinayaan ciidamada Maamulka Galmudug,

