Sida ay sheegayaan wararka Rag ka Tirsanaa Xarakada al-shabaab ayaa saacado kooban Habeenkii Xalay ahaa la Wareegay Gacan ku heynta degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir.
Dadka ku Nool degmada Kaxda oo la Hadlay idaacada simba ayaa sheegay in xalay Gudaha degmada kaxda lagu arkay Rag ka Tirsanaa al-shabaab oo watay gadiidka dagaalka iyagoona Markii dambe isaga baxay Gudaha degmada.
Wali wax War ah kama soo Bixin Maamulka degmda Kaxda ee Gobolka Banaadir ee dowlada soomaliya ay kaga Hadlayaan sheegashada al-shabaab ee ku aadan in Habeenkii xalay ahaa ay la wareegeen Gacan ku heynta degmada Kaxda ee Gobollka Banaadir,
Dhanka kale Ma ahan Markii ugu Horeysay ay al-shabaab la Wareegaan Gacan ku Heynta degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir,

