Raisulwasaaraha soomaliya Cumar C/rashiid cali sharmarke oo Galinkii dambe ee Maanta Gaaray Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa caawa kulamo la leh waxgaradka Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug si loo xaliyo colaada Magaalada Gaalkacyo,
Sidoo kale waxaa Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ku sugan wasiirka arimaha Gudaha dowlada soomaliya Mudane C/raxmaan Maxamed xuseen Odawaa iyo xubo kale oo dowlada soomaliya ka Tirsan kuwasoo dhankooda qeyb ka ah Guddiga loo xilsaaray xalinta Colaada Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug,
Ra’iisal Wasaaraha soomaliya Mudane Cumar C/rashiid cali sharmarke ayaa waxaa socdaalkiisa Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ku Wehlinaya masuuliyiin uu ka mid yahay Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya oo Galinkii dambe ee Maanta Gaaray Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud,
Dhanka kale waxaa maanta Magaalada Gaalkacyo Galinkii dambe ee Galbta gaaray Madaxweynaha Maamulka Juba-land axmed Maxamed Islaam axmed Madoobe oo dhawaan dhankiisa Gaaray Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal,

