Wararka ka imaanaya deegaano Hoos Yimaada Gobolka shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xiligaan ay socdaan dagaalo u dhaxeeya Ciidamada Dowlada Somaliya Amisom iyo al-shabaab oo la sheegay in weerar lagu qaaday Goobo ay ku sugnaayeen
Afhayeenka Maamulka Gobolka shabeelaha Hoose Maxamed shiino oo la Hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa amisom ay u suurta Gashay in weerar madaafiic loo adeegsaday in ay ku weeraraan deeganka Garasweyne ee Gobolka shabeelaha Hoose.
Dhanka kale Maxamed shiino waxa uu Hadalkiisa ku daray in ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa amisom ay ay u suurta gashay in ay la wareegaan isla caawa tuulo la yiraahdo ooy-ooye oo kamid ah Tuulooyinka Hoos Yimaada Gobolka shabeelaha Hoose,

