Waxaa Maanta Lagu wadaa in Magaalada Muqdisho Lagu soo gaba-gabeeyo shir weynaha qaran ee warbaahinta oo shalay ka Furmay Magaalada Muqdisho ee Caasimada soomaliya,
Shirka Maanta Lagu soo gaba-gabeyn doono Magaalada Muqdisho waxaa ka qeyb Galay Warbaahinada Heer Qaran iyo Heer gobol iyo kuwa gaarka loo leeyahay iyo madax ka socota beesha Caalamka.
Xoghayaha guud ee Ururka Saxafiyiinta Qaranka Max’ed Ibraahim Bakistaan oo warbaahinta la Hadlay ayaa sheegay in shirka ay ka Filayaan in waxyaabo muhiin u ah saxaafada soomaliya in ay kasoo baxaan Gaba-gabadiisa,
Dhanka kale shirka ka Furmay Muqdisho maalintii shalay aheyd waxaa Intiisa Badan diirada Lagu saaray warbaahinada Soomaaliya xiligaan ka Howlgala iyo sidii looga caawin lahaa caqabadaha ay la Kulmaan mararka qaar.

